DEG-DEG: De Gea Oo Dib Ugu Soo Laabanaya Premier League & Kooxda Weyn Ee La Saxeexanaysa

Goolhayihii hore ee kooxda kubadda cagta Manchester United ee David de Gea ayaa dib ugu soo laabanaya horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee uu dhawrka bilood ka maqnaa, waxaana uu ku biirayaa koox weyn oo uu u noqon doono goolhayaha 1aad.

David de Gea ayaa wada-hadallo kula jira Newcastle United oo la sheegay in ay u dhowdahay inay heshiis la gaadho, si uu ugu beddelo Nick Pope oo dhaawac culus kasoo gaadhay garabka, isla markaana laftu jabtay, taas oo ka dhigan in uu muddo dheer garoomada ka maqnaan doono.

Xilli-ciyaareedkan socda ayaa uu Nick Pope macasalaameeyey, sidoo kalena waxa uu shaki ku jiraa in uu awoodi doono in uu taam noqdo qaybta hore ee xilli-ciyaareedka dambe maadaama uu gelayo qalliin adag oo waqti dheer ay soo kabashadiisu qaadan doono.

Newcastle United ayaa waxa goolka u qaban doona Martin Dubravka kulamada bishan December, kaddibna waxa ay la saxeexan doonaan David de Gea, sida uu sheegay wargeyska Daily Mail.

De Gea ayaa soo gaadhi doona St. James’ Park horraanta bisha January haddii heshiiska ay isku waafaqaan dhinacyadu, laakiin Magpies ma aragto caqabad weyn oo aan ahayn dhinaca mushaharka maadaama uu De Gea koox la’aan ahaa illaa xagaagii.

Goolhayaha reer Spain ayaa la sheegay in uu aqbali doono inuu qaato mushahar ka hooseeya midkii uu ka qaadan jiray Manchester United oo toddobaadkii ahaa £375,000 Gini.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga