
Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ammaanay xiddiga Mohamed Salah Kadib guushii kooxda Liverpool ka Gaadhay Tottenham kulan ka tirsanaa horyaalka premier league.
Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Mohamed Salah, Andy Robertson, Cody Gakpo iyo Harvey Elliott ayaa Reds ka caawiyay in ay gaadho guusha.
Amaanta Klopp ee Salah ayaa imanaysa Kadib markii uu xumaaday xidhiidh tababaraha iyo xiddiga kulankii ugu dambayay.
“Mohamed Salah wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan kulanka, wuxuuna ciyaaray ciyaar aad u wanaagsan.”
Wuxuu sii waday: “Wadashaqeynta Salah ee Harvey Elliott waxay ahayd mid wanaagsan, waana ku faraxsanahay isaga,”
“Salah wuxuu muujiyay waxa uu ku fiican yahay.”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment