Jose Mourinho Oo Sheegay Sababtii Uu U Joojiyay Daawashada Kulamada Chelsea.

Tababaraha halyeeyga ah ee Chelsea Jose Mourinho ayaa sharaxay sababta uu u joojiyay ka qayb galka kulamada chelsea.

Mourinho ayaa laba jeer oo guulo ah ku soo qaatay Chelsea, isagoo dib u soo celiyay koobab Premier League ah iyo sidoo kale FA Cup iyo laba koob oo League Cup ah markiisii ​​ugu horeysay.

“The Special One” waxa uu ku soo laabtay galbeedka London 2013-kii, isagoo keenay koobkii saddexaad ee Premier League iyo sidoo kale koob kale oo League Cup ka hor inta uusan tagin 2015-kii.

Waxa dhawaan la sheegay in uu Mourinho mar 3-aad ku soo laaban karo Blues xilli uu cadaadisku ku sii badanyo tababare Mauricio Pochettino.

Ka dib barbarihii niyad jabka ahaa ee 2-2 ee ay la galeen Brentford bishii March, taageerayaasha Chelsea ayaa ku dhawaaqayay magaca Mourinho, iyagoo rajeynaya inuu soo laabto halyeeygooda.

“Mar walba waan iska ilaalin jiray naftayda wax kasta oo anshax xumo ah,” ayuu Mourinho u sheegay majaladda A Bola.

“London, waxaan ku noolahay, meel laba daqiiqo u jirta garoonka chelsea, gurigayga waxaad ka maqli kartaa codka taageerayaasha”.

“Maalintii uu garoonku bilaabay in uu magacayga ku heeso, waxa aan joojiyay in aan aado kubadda cagta. Waa inaan aado garoomada kale”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga