Jorginho Oo Ka Hadlay Fursadaha Arsenal Ee Horyaalka, Fariina U Diray Xiddigaha Gunners.

Intii lagu guda jiray wareysi uu siiyay warbaahinta kooxda, Jorginho ayaa ka hadlay fursadaha Arsenal ee ku guuleysiga horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Isagoo qiraya in dagaalku uu runtii yahay mid aad u adag, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa yiri: “Qof walba waa faraxsan yahay, laakiin hadda waa waqtigii aad diirada saari lahayd oo aad sii wadi lahayd xitaa wax badan, si aad u hesho dardar wanaagsan oo aad isku daydo inaad guuleysato kulan kale”.

“Waxaa muhiim ah in  is dajino tartanka horyaalka, oo aanan ka badbadin isla markaas lugaha dhulka ku hayno isla markaas sidaas ku socono”.

“Waxaan qabaa inaan u baahanahay inaan diirada saarno, sidaan had iyo jeer idhi, kulan kasta wakhtigiisa”ayuu Jorginho sii raaciyay.

“Kulankii Liverpool hadda wuu dhamaaday, waxaana u baahanahay inaan diirada saarno West Ham iyo midka xiga”.

“Haddii aan dooneyno inaan ku sii jirno tartanka, waxaan u baahanahay inaan diirada saarno kulan kasta oo aan siino wax walba oo aan awoodno kulan kasta.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga