ISBARBAR-DHIG: Lixda Ciyaarood Ee Kusoo Waajahan Arsenal, Liverpool, Man City Iyo Tottenham

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa la ciyaaray min 15 kulan, waxaanay kooxuhu isku diyaarinayaan usbuuca soo socda oo naadiyada cidhiidhi ku ah maadaama ay sugayaan kulamada ugu dambeeya wareegga group-yada ee Champions League.

Arsenal iyo Liverpool ayaa figta sare ee horyaalka isku eryanaya, waxaana kala sooca laba dhibcood oo farqi ah, hase yeeshee Manchester City ayaa sagaal dhibcood lumisay afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey, waxaana Arbacadii 1-0 ku garaacday Aston Villa.

Manchester United ayaa ka takhalustay oo Old Trafford ku garaacday Chelsea, waxaana boos lama filaan ah soo gashay Aston Villa oo yeelatay 32 dhibcood oo kaalinta saddexaad soo cidhiidhsatay.

Arsenal ayaa ahayd kooxdu uu nasiibku saaciday ee ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey xaqiisatay in ay ku negaanayso hogggaanka horyaalka habeenkii Salaasada oo ay 4-3 kaga adkaatay Luton Town oo si adag u dagaallantay, halka Liverpool ay Virgil van Dijk iyo Dominik Szoboszlai ku hoggaamiyeen guushii ay ka gaadhay Sheffield United.

Qoramadan, waxaynu ku eegaynaa min lixda ciyaarood ee horyaalka Premier League ee kusoo aaddan shanta kooxood ee horyaalka Premier League ugu sarreeya, waxaana isbarbar-dhigga iyo qiimaynta sida ay kulamadu u kala adag yihiin aanu uga tegaynaa adigaagan akhrisanaya warbixinta.

Waa kuwan min lixda kulan ee kusoo aaddan kooxaha kaalmaha sare ku dagaallaya

  1. Arsenal (36 Dhicbood)

Aston Villa (marti) – December 9

Brighton (minan) – December 17

Liverpool (marti) – December 23

West Ham (minan) – December 28

Fulham (marti) – December 31

Crystal Palace (minan) – January 20

  1. Liverpool (34 Dhicbood)

December 9 – Crystal Palace (A)

December 17 – Manchester United (H)

December 23 – Arsenal (H)

December 26 – Burnley (A)

January 1 – Newcastle (H)

January 21 – Bournemouth (A)

  1. Aston Villa (32 Dhicbood)

Arsenal (minan) – December 9

Brentford (marti) – December 17

Sheffield United (minan) – December 22

Manchester United (marti) – December 26

Burnley (minan) – December 30

Everton (marti) – January 14

  1. Manchester City (30 Dhicbood)

Luton Town (marti) – December 10

Crystal Palace (minan) – December 16

Everton (marti) – December 27

Sheffield United (minan) – December 30

Newcastle (marti) – January 13

Burnley (minan) – January 31

  1. Tottenham Hotspur (27 Dhicbood)

West Ham (minan) – December 7

Newcastle (minan) – December 10

Nottingham Forest (marti) – December 15

Everton (minan) – December 23

Brighton (marti) – December 28

Bournemouth (minan) – December 31

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga