Qorshihii Manchester City Ku Afduubanaysay Lionel Messi Iyo Sidii Uu U Fashilmay Oo La Ogaaday

Tababarihii hore ee Manchester City ee Mark Hughes ayaa qiray in Citizens ay isku dayday inay la saxeexato xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi 15 sannadood ka hor, waqtigaas oo laacibkan ay kubaddiisu ku qaan-gaadhay Barcelona.

Sheikh Mansour ayaa noqday mulkiilaha Manchester City markii ay taariikhdu ahayd 4 August 2008, iyadoo naadigana uu qasnadda ugu shubay lacag badan oo dibu-dhis loogu sameeyo.

Waxa Manchester City waqtigaas ay noqotay naadiga ugu qanisan kubadda cagta iyagoo calaamadsaday xiddigo waaweyn oo uu ugu horreeyey Robinho oo ay Real Madrid kasoo iibsadeen iyo Lionel Messi oo ay hawlgalkiisii ku fashilmeen.

Mark Hughes oo ahaa tababaraha Manchester City waqtigaas, ayaa waxa uu ka sheekeeyey qorshihii kooxdiisa ee xilligaas, waxaana uu yidhi: “Mulkiileyaashu waxay i weydiiyeen, ‘maxaad doonaysaa?’. Waxa horyaallay dalabyo badan oo qurux badan oo ay ku jiraan ciyaartoyda ugu wanaagsan adduunka. Waxay miiska soosaareen dhamaan dalabyadii si aanu u aragno haddii aanu dhab ahaan ka laabanayno qaarkood, dadkuse way illoobeen waqtigaas. Man City waxay ku jirtay badhtamaha miiska kala-sarraynta Premier League.

“Waxay ahayd maalin waalli ah, waxa jiray dalab aanu ka gudbinay Lionel Messi. Ugu dambayntii waxa aanu maaraynay in aanu la saxeexano Robinho, waxayna ahayd warbixin cadaab ah oo adduunyadu la yaabbanayd.”

Manchester City waxay Robinho la wareegtay September 2008 oo ay kasoo bixisay £32.5  milyan oo Gini, halka Lionel Messi oo waqtigaas wacdaro ka dhigayay Barcelona ay awoodi waayeen inay ku qanciyaan in uu yimaaddo Etihad Stadium.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga