
Xulka Germany ayaa la ciyaari doona xulka Scotland furitaanka tartanka Euro 2024.
Labada xul ayaa kulanka u soo galaya sidii ay guul ugu bilaaban lahaayeen tartanka xiisaha badan ee la wada sugayo.
Xulka Marti galinaya tartanka ee Germany ayaa kulanka soo galaya iyaga oo ku qasban in ay guul ku bilowdaan tartanka.
Scotland ayaa dhinaceeda doonaysa in ay natiijo fiican kala baxdo kulanka ka hor kulamada kale ee wareega Group-ka.
Kulanka: Germany Vs Scotland
Tartanka: Euro 2024
Wakhtiga: 10:00
Garoonka: Allianz Arena
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Germany iyo Scotland ayaa kulamaya markii 3-aad oo tartan weyn ah iyada oo Germany badiyay 2-dii kulan ee hore oo kala ahaa wareega Group-yada koobkii adduunka 1986 iyo Euro 1992.
Scotland ayaa badisay kaliya hal kulan 13-dii kulan ee ay la ciyaartay Germany guushaasna waxa ay dhacday April 1999 kulan saaxiibtinimo.
Germany ayaa ka qayb galaya tartanka Euro markii 14-aad ee taariikhda waana xulka ugu badan waxa ay ku guulaysteen tartanka 3 jeer.
Germany ayaa laga dhaliyay ugu yaraan hal gool 12-kii kulan ee ugu dambeeyay ee tartamada waaweyn markii ugu dambaysay ee ay shabaqooda ilaashadeen ayaa ahayd wareegii 16-ka tartankii Euro 2016 kulan ay la ciyaareen Slovakia.
Be the first to comment