Arsenal Oo Ku Dur-Durisay Newcastle.

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa laba dhibcood oo kaliya usoo jirtay kooxda hoggaaminaysa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee Liverpool kaddib markii ay 4-1 ku karbaashtay Newcastle United oo xiddigihii uu Sucuudigu lacagta badan kusoo iibiyey ay shaqayn waayeen.

Afar gool oo labadii qaybood ee ciyaarta ay u qaybisay ayay Arsenal ku burburisay kooxda martida u ahad ee Newcastle United oo hoos ugu dhacday kaalinta siddeedaad ee horyaalka Premier League.

Gool uu iska dhaliyey difaaca Newcastle United ee Sven Botman ayaa hoggaanka ay ku qabatay Arsenal daqiiqaddii 18aad ee ciyaarta, kaas oo qalbi-jab ku keenay ciyaartoyda tababare Eddie Howe ee uu qaabku ka lumay.

Lix daqiiqadood kaddib ayay Arsenal hoggaanka sii dheeraysatay kaddib markii kubbad uu Gabriel Martinelli kasoo dhiibay dhinaca midig oo xerada ganaaxa dhaxdeeda ah uu goolka hortiisa ka helay Kai Havertz oo si deggenaan leh u dhamaystiray.

Arsenal ayaa u qalmaysay inay qaybta hore la timaaddo dhawr gool oo kale maadaama Newcastle ay ka burbursanayd khadka dhexe, difaaca iyo goolka oo uu ugu jiray Karius oo sannadkii 2018 ay ugu dambaysay inuu ciyaaro, isaga oo la tuuray markii uu ku ceeboobay finalkii Champions League ee Real Madrid iyo Liverpool oo laga dhaliyey saddex gool oo uu qaladkooda lahaa.

Bukayo Saka ayaa dhaliyey goolka saddexaad ee Arsenal daqiiqaddii 65aad, markaas oo kubbad uu kala soo galay garabka midig uu laba jeer waabiyey difaac hortaagnaa, kaddibna darbad xooggan weydaariyey dhawr difaac iyo goolhaye Karius.

Goolka afraad ee Arsenal ayaa ahaa koorne uu soo laaday Declan Rice oo uu Jakub Kiwior Kiwior madax awood badan ku qabtay, sidaasna ciyaarta kaga dhigay 4-0 daqiiqaddii 69aad.

Newcastle United ayaa waqti dambe keentay gool aan waxba ka beddelin natiijada ciyaarta oo uu u saxeexay laacibkii hore ee Arsenal ee Joe Willock, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 4-1 ay guushu ku raaday Arsenal.

Natiijadan ayaa ka dhigan, in Arsenal ay yeelatay 59 dhibcood oo ay ku jirto kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League, halka Man City oo labaad fadhida ay haysato 59 dhibcood iyo Liverpool oo hoggaanka ku haysa 60 dhibcood.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga