Harry Maguire Oo Codsi U Diray Gareth Southgate Xilli Lala Xidhiidhinayo Man United.

Harry Maguire ayaa aad u xiiseeya in Gareth Southgate uu sii ahaado tababaraha xulka qaranka England inkasta oo ay Manchester United ku fikirayso in ay u magacawdo badalka Erik ten Hag.

Wali ma jiro go’aan kama dambeys ah oo la gaaray waqtigii Ten Hag ee Old Trafford laakiin Sir Jim Ratcliffe ayaan ku qancin waxana uu qabaa in uu Southgate yahay tababaraha ku haboon Man United.

Southgate ayaa hogaaminayay xulka qaranka England tan ilaa sanadkii 2016 waxana uu xulka geeyay Final badan sanadihii ugu dambeeyay inkasta oo uuna wax koob ah kula guulaysan xulka.

Shaqada uu Southgate ka qabtay xulka England ayaa soo jiitay Man United kuwaas oo haatan doonaya in ay dhamaadka xilli ciyaareedkan ku badalaan Erik Ten Hag.

Mar la weydiiyay hadii xulka England ay doonayaan in Southgate uu sii joogo, Maguire ayaa yiri: “Haa, xaqiiqdii, way iska cadahay, “Haa, xaqiiqdii, iska cad, waxaan dooneynaa inaan guulo ka gaarno Euro-ma, dib uma eegayno koobkii aduunka, laakiin sida iska cad hadii aan ku guuleysano koobka Euro oo ah midka aan diirada saarayno waxa aan rabnaa in aan guulaysano”.

“Hadii Gareth uu yahay ninka naga dhigi kara kuwa guuleysta markaas waxaan rabnaa inuu sii joogo inta ugu macquulsan, xiriir weyn ayaan la leeyahay isaga, waxaan qeyb weyn ka ahaa guusha iyo horumarka aan muujinay wadan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga