Garsoore Cumar Cartan Oo Afka Furtay Kadib Markii Loo Diiday In Uu Gallo Maraykanka.

Garsooraha Somaliyeed ee Omar Abdulkadir Artan ayaa afka furtay kadib markii loo diiday in uu galo dalka America si uu uga qayb noqdo garsoorayaasha dhex-dhexaadin doona tartanka.

Garsoore Omar Abdulkadir Artan oo ka mid ah Garsoorayaasha ugu fiican Africa isla markaas sumcad weyn ku leh qaarada Africa ayaa loo doortay in uu ka qayb noqdo koobka adduunka.

Laakiin Omar Abdulkadir Artan ayaa laga soo celiyay America kadib markii loo diiday dal ku galkii ama (VISA).

Haatan Garsoore Omar Abdulkadir Artan ayaa ka hadlay dhacdada isaga oo sheegay in uu ka niyad jabay arintan.

“Waxaan haystay dhammaan waraaqihii saxda ahaa. Waxaan haystay fiisihii saxda ahaa”

“Aad ayaan uga niyad jabay”ayuu sii raaciyay.

“Anigu waxaan ahay garsoore si fudud u doonaya inuu ku noolaado riyadiisa, taas oo ah riyada ugu weyn ee nolosheyda, inaan ka qayb galo Koobka Adduunka.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga