Frank Lampard Oo Dib Ugu Soo Noqonaya Shaqada Tababarenimada & Kooxda Loo Magacaabayo

Tababarihii hore ee kooxaha Chelsea iyo Everton ee Frank Lampard ayaa dib ugu soo laabanaya shaqada tababarenimada kubadda cagta oo uu in muddo ah ka maqnaa, waxaana loo magacaabayaa oo uu qarka u saaran yahay koox Maraykan ah.

Halyeyga Chelsea ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo dhamaadka xilli-ciyaareedkii hore oo uu dhamaaday qandaraaskiisii ku-meelgaadhka ahaa ee uu Chelsea ku laylinayay, balse waxa uu hadda kusoo baxay liiska gaaban ee macallimiinta u sharraxan kooxda Charlotte FC ee horyaalka MLS ee waddanka Maraykanka.

Kooxda Charlotte FC oo shaqada ka eriday tababaraheedii Christian Lattanzio kaddib markii ay New York Red Bulls ku karbaashtay 5-2, ayaa waxa ay la xidhiidhay Lampard oo mari doona waraysi haddii ay ka heshiiyaan mushaharka iyo shuruudaha tababarenimada.

Wargeyska The Atheltic ayaa qoray, in Charlotte ay qarka u saaran tahay in ay ku dhawaaqdo in Frank Lampard uu noqonayo tababarahooda cusub, haddana ay arrimuhu marayaan meel fiican oo dhamaad ku dhow.

Lampard oo hore usoo layliyey kooxaha Derby County iyo Everton, ayaa waxa booska kooxda Charlotte kula tartamaya Dean Smith oo kula jira liiska gaaban ee macallimiinta waraysiga ugu jirta kooxda Maraykanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga