Falcelintii Ugu Horreysay Ee Vinícius Jr Kadib Lawareegistii Real Madrid Iyo Yan Diomande

Warar kasoo baxaya warbaahinta ayaa sheegaya in xiddiga reer Brazil Vinícius Jr uu aad uga carooday tallaabada ay Real Madrid kula soo wareegtay  weeraryahanka reer Ivory Coast Yan Diomande ee u ciyaarayey RB Leipzig. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay hakad ku jiraan wada-hadallada lagu kordhinayo heshiiska Vinícius, kaasoo dhacaya bisha Juun 2027.

Sida wararku sheegayaan, Vinícius ayaa dalbanaya gunno weyn oo saxiix ah iyo mushahar sannadle ah oo gaaraya €60 milyan, hase yeeshee Real Madrid weli ma aqbalin shuruudahaas.

Dhanka kale, Arsenal ayaa la sheegay inay xiisaynayso saxiixa xiddiga reer Brazil haddii uu ka tago Santiago Bernabéu.

Wargeyska Daily Mail ayaa sidoo kale sheegay in Vinícius uu ka carooday sida ay Real Madrid diiradda u saartay wada-hadallada Yan Diomande, isla markaana uu diiday inuu toddobaadkan ku biiro tababarka kooxda, isagoo muujinaya sida uu uga xun yahay in aan weli la fulin dalabaadkiisa dhaqaale.

Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Real Madrid ama Vinícius Jr oo xaqiijinaya sheegashooyinkan, waxaana wararkaasi ku saleysan yihiin warbixino ay baahiyeen warbaahinta Yurub.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga