Man United Oo Guuldaro Lama Filaan Ah Kala Kulantay Fulham.

Kooxda Man United ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Fulham kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa horyaalka premier League.

Man United ayaa Old Trafford ku marti galisay kooxda Fulham kulan ka tirsanaa todobaadkii 26-aad ee horyaalka premier League.

Xiddiga Calvin Bassey ayaa dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana uu ka dhigay ciyaarta 1/0 ay Fulham ku hogaaminayso ciyaarta.

Kooxda Man United ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha laakiin United ayaa ku dhibaatootay in ay dhaliso goolka bar-barhaa.

Daqiiqadii 89-aad ayay Man United dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Harry Maguire kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Xilli ay labada kooxood isku dhagan yihiin ayay Fulham daqiiqadii 90+7-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Alex Iwobi kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United guuldaro lama filaan ah la kulantay xilli ay Fulham ka gaadhay guul muhiim ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga