Jose Mourinho Oo Sheegay In Uu Wali Man United Ku Hogaamin Karo Horyaalka Premier League, Qaab Noocee Ah.

Jose Mourinho ayaa sheegay in ay jirto ‘fursad’ uu weli Man United ugu hogaamin karo horyaalka premier League.

Tababaraha halyeeyga ah ayaa shaqo la’aan ah ka dib markii uu ka tagay Roma, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan inuu xiiseynayo inuu mar labaad ku laabto Old Trafford.

Mourinho ayaa labo sano iyo bar ku qaatay xilka United, isagoo diiwaan geliyay koob Europa League ah, koob Carabao Cup iyo inuu ku dhameystay kaalinta labaad ee Premier League.

61-sano jirkaan ayaa shaqada laga ceyriyay ka dib qaab ciyaareed liita oo uu ku bilowday xilli ciyaareedkii 2018-19, isagoo kaliya badiyay 7 guul 17 kulan oo uu ciyaaray, taasoo ka dhigeysa in United ay 19 dhibcood ka hooseyso hogaamiyaasha horyaalka.

Inkastoo Mourinho uu ku tilmaamay wararka xanta ah ee ku saabsan inuu mar labaad ku biiray United inay yihiin ‘mid aan run ahayn’, haddana waxa uu dareensan yahay inay weli jirto fursad uu United ugu hogaamin karo horyaalka.

Ma laga yaabaa inay jirto fursad aan ugu guuleysan karno horyaalkaas maya?’ Mourinho ayaa u sheegay Rio Ferdinand isagoo ku sugan VIBE

“Haddii Man City lagu qabto Financial Fair Play jabinta sharciga, waxaa laga yaabaa inay lumiyaan dhibco yar, waxaana ku guuleysaneynaa horyaalka [2017-18]. Waxaan sameynay intii ugu fiicneyd”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga