Erik Ten Hag Oo Ka Hadlay Guushii Ay Kooxdiisu Ka Gaadhay Coventry City.

Tababaraha Kooxda Man United Erik Ten Hag ayaa ka hadlay guushii rikoodhayaasha ahaa ee ay kooxdiisu ka gaadhay Coventry City.

Man United ayaa rikoodhayaal kaga badisay kooxda Coventry City kulan ka dhacay garoonka Wembley.

“Waxay ahayd ciyaar cajiib ah, ciyaar qariib ah sidoo kale, muddo dheer ayaanu maamulnay guud ahaan, ka dibna waxa aanu luminay qaybtii dambe ee ciyaarta, waxa aanu muujinay adkeysi aanu ugu guulaysanay rigooreyaal”.

“Waxaan gacanta ku haynay 75 daqiiqo waa in aan amaan siinaa Coventry waxa ay qabteen 15-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay”.

“Waa in aan horumar samaynaa, waanu ka hadlanay arintan, ugu horayn waa in aan nafteena dhignaa meel aan ku badin karno kadib waa in aan xojisano marka aan booskaas joogno oo aanan khaladaad samayn”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga