Enzo Maresca Oo Ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Alejandro Garnacho

Enzo Maresca ayaa ka hadlay xiisaha ay Chelsea u qabto Alejandro Garnacho iyadoo ay jiraan warar xan ah oo sheegaya inuu ka tagi karo Manchester United bisha January.

Waxaa la soo wariyay todobaadkii hore in Garnacho uu bartilmaameed  noqday kooxda Chelsea kuwaas oo doonaya in ay xoojiyaan weerarkooda.

United ayaan haatan raadinayn in ay iibiso xiddiga garabka ka ciyaara laakiin waxa laga yaabaa in lagu qasbo in ay iibiso xiddigan maadama ay xaaladeeda dhaqaale tahay mid adag.

Markii wax laga weydiiyay xiriirka Garnacho tababaraha Blues ayaa ku jawaabay”Waan ku faraxsanahay xiddigaha aan haysano,Dhanka midig waxaa aan haysanaa Pedro Neto iyo Noni Madueke, dhanka bidix waxaan ku haynaa Jadon Sancho”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga