Dwight Yorke Oo Man United U Sheegay Labada Xiddig Ee Uu Doonayo In Ay Kooxdiisu La Soo Saxiixato.

Weeraryahankii hore ee Manchester United Dwight Yorke ayaa u magacaabay kabtanka Tottenham Son Heung-min iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Frenkie de Jong inay yihiin labada ciyaaryahan ee ay tahay inay kooxdu bartilmaameedsato xagaaga.

Kooxda Erik Ten Hag ayaa soo yaraysay dhibcaha ay ka dambayso kooxda kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Dhinaca kale milkiilaha cusub ee kooxda Sir Jim Ratcliffe ayaa bilaabay shaqadiisa qorshaha suuqa kala iibsiga ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka.

“Waxaan u maleynayaa inaan u baahanahay No.9, waxa aan u baahanahay xiddig khibrad u leh premier League iyo ciyaaryahan wanaagsan sida Tottenham ee Son”ayuu yidhi.

“Ma aha sida Harry Kane laakiin wali waxa uu leeyahay tamar wuxuuna keenayaa goolal badan, sidaa darteed qof isaga oo kale ah ayaa aad ii soo jiidan lahaa”.

“Waxa aan jeclaan lahaa in ay kooxdu u dhaqaaqdo saxiixa De Jong si uu u tababaro Minoo”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga