Diogo Jota Oo Bur-Buriyay Qorshihii Barcelona Ee Suuqa Xagaaga.

Riyada Barcelona ee ah in ay Liverpool kala soo saxiixato xiddiga reer Colombia ee Luis Diaz inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan ayaa waxa ay noqotay mid adag kadib markii uu dhintay xiddiga reer Portugal ee Diogo Jota kaas oo u ciyaara kooxda Reds.

Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid ciyaartoyga reer Portugal ee Jota ayaa Riyadii Barcelona ee saxiixa Luis Diaz ka dhigaysa mid aan suurtagal ahayn.

Muhiimada Luis Diaz ee Liverpool ayaa noqonaysa aad u weyn marka la eego in uu tababare Slot diirada saarin doono ciyaarsiinta xiddiga.

Barcelona ayaa la filayay in ay wakhtiyada dambe ee suuqa xagaaga u dhaqaaqdo saxiixa Luis Diaz si ay ugu xoojiso kooxda.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga