
Kooxda reer England ee Manchester United ayaa bayaan rasmi ah ku shaacisay fiidnimadii sabtida inay la soo wareegtay daafaca Diego Leon oo ay kala soo wareegeen kooxda Paraguay Cerro Porteño.
Kooxda reer England ayaa muujisay sida ay ugu faraxsantahay dhamaystirka saxiixa da’yarka daafaca uga ciyaara xulka Paraguay si ay u xoojiyaan difaaca kooxda sanadaha soo socda iyaga oo ku tilmaamay xiddig mustaqbal fiican ka leh Latin America.
United ayaa dib u eegis ku sameysay tirakoobka ciyaaryahanka, kaasoo 18 jirsaday bishii April ee la soo dhaafay, iyadoo sheegtay in daafaca caanka ah uu ka qeyb qaatay 33 kulan oo uu la ciyaaray kooxda koowaad ee Cerro Porteno, isagoo dhaliyay afar gool.
Manchester United waxay sii waddaa fulinta qorshaheeda ay kula soo saxiixanayso xiddigaha da’yarka ah.
Kooxda Man United ayaa xiddiga ka soo bixisay lacag dhan 6 milyan oo euro iyada oo ka saxiixatay heshiis wakhti fog ah.
Be the first to comment