Rodrygo Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo.

Weeraryahanka Real Madrid, Rodrygo ayaa doorbidaya inuu ku biiro Arsenal haddii uu ka tago Los Blancos mustaqbalka dhow.

Dhex-dhexaadiyayaal ayaa sheegaya in uu xiddigu doorbidayo in uu ku biiro kooxaha ka ciyaara premier league hadii uu ka tagayo Real Madrid.

Rodrygo ayaa la filayaa inuu go’aansado haddii uu doonayo inuu sii joogo Real Madrid wixii ka dambeeya xagaagan ka dib tartanka FIFA Club World Cup.

Xiddiga reer Brazil ayaa xiiso ka helay kooxaha Arsenal iyo Chelsea.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa kaliya iibin doonta Rodrygo hadii ciyaaryahanka uu si gaar ah u codsado inuu ka tago Santiago Bernabeu.

Maamulaha Real Madrid Xabi Alonso ayaa horey u sheegay in kooxdu ay u baahan tahay Rodrygo xilli ay jiraan warar sheegaya inuu u dhaqaaqayo Premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga