Dib U Eegid: Liverpool Oo Boodhka Ka Jafatay Rikoodh Ay Arsenal Dhigtay 6 Sano Ka Hor.

Kooxda Liverpool ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Brentford kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Goolal ay dhaliyeen Nunez, Salah, Gakpo iyo Mac Allister ayaa Liverpool ku hogaamiyay guulo muhiim ah.

Xiddigaha Salah iyo Gakpo ayaa kaydka kala soo kacay goolal kadib markii ay dhaliyeen goolal 2 gool.

Labada xiddig ayaa kooxdooda ku hogaamiyay guul muhiim ah iyada oo ay dhaawacyo soo gaadheen kooxda.

Kadib guusha Liverpool ayaa boodhka ka jafatay rikoodh ay Arsenal horyaalka premier League ka dhigtay sanadkii 2018.

Liverpool ayaa noqotay kooxdii 2-aad ee taariikhda horyaalka premier League ay gool u dhaliyaan isla markaas caawiyaan laba xiddig oo badal ku soo galay.

Kooxdii ugu dambaysay ee sidaas samaysay ayaa ahayd Arsenal oo sidaas samaysay October 2018 iyaga oo la ciyaaraya Fulham waxana sidaas u sameeyay xiddigaha Aubameyang & Ramsey.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga