Muxuu Klopp Ka Yidhi Guushii Kooxdiisa Ee Brentford.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Brentford kulan ka tirsanaa prmeier League.

Goolal ay dhaliyeen Nunez, Salah, Gakpo iyo Mac Allister ayaa Liverpool ku hogaamiyay guulo muhiim ah.

“Waa shucuur kala duwan, waxaan luminay ciyaaryahano kuwaas oo aanan garanaynin sida uu dhaacyadoodu u xun yihiin, uma muuqato mid wanaagsan midkoodna”ayuu Klopp yidhi.

“Laakiin waxa ay wiilashu sameeyeen 15 daqiiqo ka dib waxa ay aheyd wax aan caadi aheyn iyaga oo ka hor yimid koox awood ciyaarta”.

“Waxaan ciyaarnay ciyaar wanaagsan waqti cayiman, waan xakameynay intii karaankaaga ah, waana ku faraxsanahay midaas”.

Nasiib xumo dhaawacyo? Dhab ahaantii, waxaan u maleynayaa inuu jiray jug ku dhacday Curtis [Jones]. Waxay ahayd loolan Diogo [Jota] sidoo kale iyo Darwin [Nunez] ma hubno inta uu leegyahay dhaawaca soo gaadhay wax ayuu dareemay”.

“Waan arki doonaa, marnaba nooma fududa, waqti xaadirkaan waa ay fiican tahay, waxaan haysanaa 57 dhibcood, maalmo yar gudahoodna dib ayaanu ciyaari doonaa”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga