Dhribaaxo: Xiddig Muhiim U Ah Chelsea Oo La Xaqiijiyay In Uu Seegi Doono Final-ka Carabao Cup-ka.

Chelsea ayaa la kulantay war xun kadib markii la xaqiijiyay in uu daafaca Benoit Badiashile garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan hal bil.

Arintaas ayaa la macno ah in ay chelsea waay doonto adeega xiddiga kulanka final-ka Carabao cup-ka ee ay la ciyaari doonaan Liverpool 25 bishan lagu jiro.

22 jirka reer France ayaa dhibaato gumaarka ah soo gaaray intii lagu jiray guushii FA Cup-ka ee todobaadkii hore ee Aston Villa.

Ka dib markii baaritaan lagu sameeyay si loo ogaado halista dhaawaca waxa la xaqiijiyay in uuna dhaawacu ahayn mid fiican.

Badiashile ayaa maqnaan doona ku dhawaad 4 todobaad kadib dhaawaca soo gaadhay taas oo la macno ah in uu seegi doono kulanka caawa ee ay la ciyaari doonaan Crystal Palace.

Wuxuuna sidoo kale ka maqaan doonaa kulanka ay booqan doonaan kooxda Man City ee toodbaadka soo socda.

Kadib waxa uu seegi doonaa kulanka xiga ee final-ka Carbao cup-ka ka hor inta uuna seegin kulanka xiga ee tartanka FA Cup-ka ay la ciyaari doonaan Leeds.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga