Daawo: Ciyaartoy Ku Dhex-Dhintay Garoonka Dhexdiisa Isaga Oo Ciyaaraya & Sababta.

Ciyaar kubada cagta ah oo ka dhacday dalka Indonesia ayaa noqotay mid aad u murugo badan kadib markii ciyaaryahan uu ku dhintay ciyaarta dhexdeeda ka dib markii ay ku dhacday danab.

Sida ay sheegayaan wararka, waxa lagu dhawaaqay in uu dhintay markii loola orday Cusbitaalka.

Muuqaalka ayaa la isla dhexmarayaa baraha bulshada iyada oo la arkay danabka oo si toos ah ugu dhacaya ciyaartoyga.

Dhacdadan ayaa ka dhacday ciyaar saaxiibtinimo oo u dhaxaysay laba kooxood oo kubbadda cagta ah oo ka dhacaysay garoonka Siliwangi ee magaalada Bandung ee ku yaalla galbeedka Java ee dalka Indonesia, sida ay sheegtay warbaahinta maxaliga ah ee PRFM News.

Wargeysku waxa uu intaa ku daray in sida uu sheegay goob-jooge, Funaanadda uu Ciyaartoyga Kubadda Cagta ku labisnaa ay ka muuqatay jeex-jeex.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga