Dhirbaaxo: Rasmus Hojlund Oo Ka Dhaawacmay Man Unnited, Muddada Iyo Kulamada Uu Seegi Doono.

Weeraryahanka Manchester United Rasmus Hojlund ayaa waxaa soo gaaray dhaawac muruqa ah kaasoo la filayo inuu garoomada ka maqnaado labo ilaa seddex isbuuc.

Tani waxay la micno tahay in Hojlund ay u badan tahay inuu seego kulanka Manchester derby ee 3-da March ee Premier League.

United ayaa sidoo kale laga yaabaa inay weyso Hojlund kulamada horyaalka ee Fulham iyo Everton si la mid ah iyaga oo u dagaalamaya boosaska Champions League.

Hojlund waxa uu ahaa ciyaaryahanka qaab ciyaareedka fiican United tan iyo sanadka cusub, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee waayihii Premier League ee lix kulan oo isku xigta gool ka dhaliya.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa keenay in United ay badiso afar kulan oo isku xigta oo horyaalka ah markii ugu horeysay xilli ciyaareedkan, taasoo ka dhigeysa inay seddex dhibcood ka dambeeyaan Tottenham oo ku jirta kaalinta shanaad.

Dhaawaca Hojlund ayaa ka dhigaysa in uu Ten Hag haysto kaliya Marcus Rashford noqdo dookha kaliya ee weerarka.

Kulamada uu Hojlund seegi karo:

Fulham (h), Premier League – Feb 24

Nottingham Forest (a), FA Cup – Feb 28

Manchester City (a), Premier League,

Everton (h), Premier League – Mar 9

Sheffield United (h), Premier League – Mar 16

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga