DEG-DEG: Tababare Xaqiijiyay Saxiixa Ugu Horeeya Ee Man United.

Tababaraha Atalanta BC, Raffaele Palladino, ayaa xaqiijiyay in khadka dhexe ee Ederson uu wada-hadallo kula jiro “koox weyn”, iyadoo wararka Talyaaniga sheegayaan in Manchester United FC ay ku dhowdahay saxiixiisa.

United ayaa dib-u-dhiska khadka dhexe ka dhigtay mudnaanta koowaad xagaagan, waxaana bartilmaameedyadooda ka mid ah xiddigo uu ku jiro Ederson.

Kooxda Michael Carrick ayaa doonaysa ugu yaraan laba khad dhexe oo cusub, waxaana laga yaabaa inay noqdaan saddex haddii Manuel Ugarte uu raaco Casemiro oo ka tagaya Old Trafford.

Ederson ayaa laga reebay kulankii ugu dambeeyay ee Serie A ee Atalanta la ciyaartay ACF Fiorentina, taasoo sii xoojisay wararka bixitaankiisa.

Palladino wuxuu yiri:“Ederson wuu maqnaa sababtoo ah koox weyn ayaa daba socota”

“Waa go’aan aniga iyo ciyaaryahanka aan wada qaadanay maadaama ay jiraan arrimo suuqa kala iibsiga la xiriira.”

Wararka Talyaaniga ayaa sheegaya in United ay bixin doonto €48 milyan (£41.5m) iyo €5 milyan (£4.3m) oo gunnooyin ah.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Ederson uu diyaar u yahay inuu u safro Manchester si uu u dhammeystiro heshiiska.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga