Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalada Gravenberch Ka Hor Kulanka Southampton.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa war xun u sheegay taageerayaasha kooxdiisa ka hor kulanka Southampton ee FA Cup-ka.

Liverpool ayaa isku diyaarinaysa kulanka ay la ciyaari doonaan Arbacada FA Cup-ka maalmo kadib markii ay ku guulaysteen tartanka Carabao cup-ka.

Klopp ayaa xaqiijiyay dhaawac soo gaadhay xiddiga khadka dhexe ee Ryan Gravenberch kaas oo dhaawac looga saaray kulankii chelsea.

Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in uu Ryan Gravenberch ka dhaawacmay kuraanta isla markaas garoomada ka maqnaan doono muddo.

Tababaraha ayaa sheegay in xiddiga la filayo in uu seego ugu yaraan labada kulan ee soo socda.

“Waxa uu ka dhaawacmay kuraanta”ayuu Klopp yidhi.

“Ugu yaraan waxa aan filayaa in uu seego laba kulan”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga