DEG-DEG: Chelsea Oo Ka Badbaadday In Laga Ganaaxo Weeraryahanka Ay Isku Hallaynayaan

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa buugga naxariista u baadhay Chelsea, waxaana saayiraad loo muujiyey weeraryahanka Nicolas Jackson oo fal anshax xumo ah sameeyey ciyaartii Everton ee ay guul-darradu kasoo gaadhay naadigiisa.

Garsooraha ciyaarta ayaa arkay falkii uu ku kacay Nicolas Jackson oo isaga oo cadhaysan isku duubay ciyaartoy kale, isla markaana cunaha qabtay, laakiin xaakimka ciyaarta ayaa wax tallaabo ah ka qaadin, taas oo bud-dhig u noqotay go’aanka xidhiidhku gaadhay.

Chelsea ayaa ka walaacsanayd in Nicolas Jackson laga ganaaxo iyagoo ku jira xaalad adag oo ay guul-darrooyin is-xigay kala soo kulmeen Manchester United iyo Everton taas oo keentay in ay u dhacaan kaalinta 12aad ee miiska kala-sarraynta Premier League oo ah booskii ay ku dhamaysteen xilli-ciyaareedkii hore.

Nicolas Jackson oo beddel kusoo galay ciyaarta ayaa dhamaadkii ay ciyaartoyda kooxdiisu ka qabteen Nathan Patterson oo uu cunaha hayo, waxaana sidoo kale ay muuqaallada laga duubay muujiyeen isaga oo aflagaaddaynaya ciyaarrtooyo kale.

Aboulaye Doucoure ayuu ahaa ciyaartoyga niyad-jabka u horseeday Chelsea ee hoggaanka u dhiibay kooxda tababare Sean Dyche ee Everton, halka Lewis Dobbin uu goolka labaad ka dhaliyey waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga