Waa Maxay Sababta Loo Baajiyey Ciyaartii Maanta Ee Bayern Munich vs Union Berlin?

Ciyaartii maanta ee kooxaha xafiiltanku ka dhexeeyo ee metela magaalooyinka waaweyn ee Munich iyo Berlin ee Bayern iyo Union ayaa la kansalay oo dib loogu dhigay waqti kale, sida uu shaaciyey horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga.

Sabtida maanta ayay Bayern Munich garoonkeeda Allianz Arena ku qaabbili lahayd Union Berlin, laakiin garoonka lagu ciyaarayo, waddooyinka iyo gobolka Bavaria ayaa waxa intiisa badan qariyey baraf, iyadoo dalka Jarmalka uu ka dhacayo qaboow daran.

Bayern Munich ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay, waxay ku sheegtay in oogada sare ee garoonkeeda iyo saqafka dushiisa uu baraf buuxiyey, waxaana ay cabsi ka muujisay, in barafka dul-fadhiya saqafka sare uu waxyeello gaadhsiin doono taageereyaasha oo nafahoodu halis gelayaan.

Waxa kale oo ay kooxdu sheegtay, in ay adag tahay in gaadiidka dadweynuhu ay yimaaddaan meelaha u dhow garoonka, waxaanay ka codsatay taageereyaasheeda in aanay usoo dhowaanin garoonka oo ay ka fogaadaan.

Jan-Christian Dreesen ayaa war-saxaafadeedkiisa waxa uu ku dalbaday, in ciyaarta dib loo dhigo sababo amni daraadeed, waxaana uu sidoo kale u sheegay jamaahiirta Union Berlin iyo kuwa Bayern Munich in dantooda caamka ah iyo badqabka nafahooduba ku jirto in aanay imanin garoonka.

Horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga ma aanu sheegin waqtiga la ciyaari doono kulankan, hase yeeshee dib ayaa laga muddayn doonaa sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga