Xidhiidhka FA Oo Ku Ganaaxaya Erling Haaland Wixii Uu Shalay Ka Sameeyey Etihad Stadium

Xidhiidhka kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee FA ayaa ganaax ku ridaya weeraryahanka Manchester City ee Erling Haaland oo ku kacay fal ka baxsan anshaxa ciyaaraha markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay Axaddii 3-3 dhibcaha ku qaybsadeen Manchester City iyo Tottenham.

Erling Haaland oo garoonka ka baxay isaga oo cadhaysan markii ay kooxdiisu labada dhibcood lumisay, isla markaana aanu isagu wax gool ah dhalinin, ayaa waxa uu aflagaaddo u geystay garsoorihii ciyaarta, taas oo keentay in xidhiidhka FA uu ku sameeyo baadhitaan.

23 jirkan ayaa lagu eedeeyey in uu jabiyey qodobka Rule E3.1 markii ay ciyaartu dhamaatay, sababtoo ah waxa uu bartiisa bulshada ee Twitter (X) uu kusoo qoray hadal aflagaaddo ku ah garsoore Simon Hooper oo uu sidoo kalena ku qayliyey dhamaadkii ciyaarta.

Laacibkan ayaa ka cadhooday in garsoore Simon Hooper uu joojiyey ciyaarta oo uu qalad u dhigay Haaland oo dhulka lagu riday kaddibna kacay oo sii watay ciyaarta, isla markaana kubbadda u tuuray Jack Grealish oo difaacyahannada Tottenham ka daba-baxay.

Erling Haaland ayaa qoraalka uu ku daabacay bartiisa Twitter-ka, waxa uu ku yidhi “WTF” oo u taagan ‘What the f***’ oo lasoo gaabiyey, waxaana aflagaaddadan ka dhalanaya ganaax sida ay warbaahinta Ingiriisku sheegtay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga