DEG-DEG: Antonio Conte Oo Noqday Tababaraha Koox Weyn Oo Talyaani Ah

Tababare Antonio Conte ayaa noqday tababaraha cusub ee kooxda Ac Milan sida ay sheegayaan wararku.

Conte ayaa aqbalay in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Ac Milan kadib sanado uu bilaa shaqo ahaa.

Conte ayaa la wareegi doona shaqada tababaranimo ee kooxda Ac Milan dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tababare Conte ayaa shaqada ka badali doona Stefano Pioli marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan haatan.

Conte ayaa horay tababare ugu soo noqday kooxo badan oo reer Talyaani ah kana mid yihiin Inter Milan iyo Juventus.

Sidoo kale Conte ayaa premier League ka soo hogaamiyay kooxaha Tottenham iyo chelsea.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga