Darwin Nunez Oo Daqiiqadihii Ugu Dambeeyay Guul Ku Hogaamiyay Liverpool, Nottingham Forest Ayay Garaaceen.

Kooxda Liverpool ayaa guul muhiim ah ka gaadhay kooxda Nottingham Forest kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid ku adag Liverpool iyada Nottingham Forest iska caabin samaysay kala hor timid Liverpool.

Dhinaca kale Nottingham Forest Ayaa samaysay fursado cajiib ah iyaga oo ka dhalin gaadheen goolal.

Laakiin Liverpool ayaa maamulaysay ciyaarta iyaga oo si joogto ah fursadaha u samaynaysay.

Labada kooxood ayaa is dhaafsaday fursadaha iyaga oo aan ka daalin in ay fursado sameeyaan.

Iyada oo ay wax walba u muuqato in ay ciyaartu ku dhamaanayso bar-baro ayay Liverpool wax badashay.

Daqiiqadii 100+9-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay Darwin Nunez.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool guul dirqi ah ka gaadhay kulan muhiim u ahaa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga