Chelsea Oo Xasuuqday West Ham

Chelsea ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda West Ham kulan ka tirsanaa tartanka Premier League.

Chelsea ayaa sugaysay 15 daqiiqo oo kaliya in ay hesho goolka furitaanka waxaana u dhaliyay Cole Palmer.

Daqiiqadii 30-aad ayay Chelsea heshay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Connor Gallagher.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay ahayd markii uu Noni Madueke uu goolka saddexaad u dhaliyay kooxda Chelsea daqiiqadii 36-aad ee ciyaarta.

Nicholas Jackson ayaa intaa kadib goolka afaraad u dhaliyay kooxda Chelsea daqiiqadii 48-aad ee ciyaarta ka hor inta uusan dhalin goolkiisii ​​labaad ee shaqsiga Iyo goolkii 5-aad ee kooxda daqiiqadii 80-aad.

Natiijadaas ayaa keentay in dhibcaha Chelsea ay kor u kacdo 54 dhibcood iyaga oo ku jira kaalinta 6-aad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga