Chelsea Oo Ku Garaacaysa Barcelona Saxeexa Dheemanka Brazil Ee Messinho Ee Uu Sugayey Xavi Hernandez

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa halis ugu jirta in laga afduubto xiddiga ay saxeexiisa raadinayaan ee uu sida gaarka ah indhaha ugu hayay tababare Xavi Hernandez ee Messinho, kaas oo ay hadda si dardar leh loollankiisa usoo gashay Chelsea.

Blues ayaa la sheegay in ay wada-hadallo toos ah la bilowday kooxda reer Brazil ee Palmeiras oo ay kala xaajoonayso iibka Estevao Willian oo lagu naanayso Messinho.

Sida ay ku warramayaan warbaahinta maxalliga ah ee Brazil, Messinho ayaa qiimihiisa lagu sheegay illaa 40 milyan oo Euro, waxaana markii hore kali ku ahayd doonistiisa Barcelona, hase yeeshee Chelsea ayaa hadda kaga xoog badan wada-hadalka iyo doonista laacibkan.

Wargeyska AS ayaa qoray, in kooxda kale ee reer Spain ee Real Madrid ay sidoo kale xiisaynaysa Messinho oo wacdaro ka dhigay horyaalka waddanka Brazil ee toddobaadkii hore lasoo gabogabeeyey.

Messinho oo ay da’diisu tahay 16 jir ayaa waxa uu hore u sheegay, in uu ku riyoonayo inuu u ciyaaro Barcelona oo ah kooxda uu jecel yahay in uu mustaqbalka xidho garankeeda, hase yeeshee Palmeiras ayaa waxa ay dooran doontaa kooxda la shir timaadda lacagta ugu badan isla markaana laacibkan iyo wakiilkiisu ay ka helayaan dhaqaalaha ugu sarreeya.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga