Casemiro Oo Sharaxay Sababta Arsenal Ugu Guulaysanayso Premier League.

Casemiro ayaa aaminsan in Arsenal ay ku socoto inay ku guuleysato horyaalka Premier League sabab la xidhiidha in  kooxda maamulayay Mikel Arteta, ay xagaagii Sii xejisteen xiddigaha Ugu muhiimsan

Arsenal ayaa hadda ku jirta booska ugu fiican ee ay ku qaadi karto horyaalkeedii ugu horreeyay tan iyo sanadkii 2004, iyadoo shan dhibcood ka sarreysa Manchester City iyadoo labo kulan oo keliya ay ka harsan yihiin xilli ciyaareedka.

Kooxda uu tababaro Pep Guardiola weli waxay haysataa hal kulan oo gacanta ugu jira, waxaana ay salaasada la ciyaari doonaan Crystal Palace Si kastaba ha ahaatee, City waxay weli u baahan doontaa in Arsenal dhibco lumiso labada kulan ee ugu dambeeya ee ay la ciyaarayso Burnley  iyo Crystal Palace si ay fursad ugu hesho hanashada horyaalka.

Sidoo kale, Arsenal waxay haysataa fursad ay ku qaadi karto UEFA Champions League xilli ciyaareedkan, iyadoo ay final-ka la ciyaari doonto Paris Saint-Germain  30-ka May.

Isagoo la hadlayay Rio Ferdinand, Casemiro ayaa laga weydiiyay shantii koob ee UEFA Champions League uu kula guuleystay Real Madrid l.

Xiddiga 34-jirka ah ayaa aaminsan in Arsenal ay hadda u tartamayso koobabka waaweyn sababtoo ah joogtaynta iyo xasilloonida kooxda.

Casemiro wuxuu yiri:“Waxaan xasuustaa markii aan ku guuleysanay Champions League-kii labaad, dabaaldegyadu waxay ahaayeen kuwo aan caadi ahayn, kadibna Luka Modrić wuxuu yiri, ‘eega wiilasha, waxaan u baahanahay hal ama labo koob oo kale’.

“Aniguna waxaan ku iri, ‘maxaa?!’“Markaas ayuu yiri, ‘maya maya, kooxdan, tani waa waqtigii ugu fiicnaa ee ciyaartoyda, waxaan u baahanahay hal ama labo koob oo kale.’

“Si fiican ayaan u xasuustaa. Ugu dambayn waxay noqdeen saddex koob oo kale, laakiin waqtigaas marka laga hadlayay waxay u muuqatay wax waali ah.”

Markii Rio Ferdinand uu sheegay in Real Madrid C.F. nasiib u lahayd in kooxdaasi ay wada joogtay muddo dheer, Casemiro ayaa ku jawaabay:

“Haa, aad bay muhiim u tahay, aad bay muhiim u tahay.”

Wuxuu sii watay isagoo tusaale u soo qaatay Arsenal.

“Wax dhib ah maleh haddii ay final-ka guuleystaan ama laga badiyo, tusaale ahaan Arsenal, ma aqaan inay tahay xilli ciyaareedkan ama kan xiga, laakiin isaga [Mikel Arteta] wuu guuleysan doonaa.”

Markii Ferdinand uu weydiiyay inuu aaminsan yahay in Arsenal ay ku guuleysan doonto horyaalka, Casemiro wuxuu ku jawaabay:

“Dabcan, aad ayuu ugu dhow yahay, aad ayuu ugu dhow yahay.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga