DEG-DEG: Man United Oo HAL Kulan Oo Kaliya Ciyaaraysa Bisha January – Maxaa Dhacay?

Kooxda kubadda cagta Manchester United hal kulan oo kaliya ayay ciyaari doontaa bisha January, waxaana isbeddel lagu sameeyey jadwalka horyaalka Premier League.

Manchester United ayaa waxa ay bilowga sannadka cusub waajihi doontaa Wigan Athletic oo tartanka FA Cup ah iyo Tottenham oo Premier League ah, waxaana haddii ay kasoo gudbaan Wigan ay dheeli doonaan hal kulan oo tartanka FA Cup ah oo jadwalkooda kusoo kordhi doona.

Ciyaarta horyaalka Premier League ee Manchester United iyo Tottenham ayaa dhici doonta January 14, waxaana sidoo kale dib loo riixay ciyaartii ay Red Devils martida u noqon lahayd Wolves ee ku muddaysnayd January 30 oo laga dhigay February 1.

Tababare Erik ten Hag ayaa kooxdiisu ay heli doontaa fursad ay dib ugu soo laabtaan ciyaartoyda dhaawaca ka ah, waxaana halka kulan ee Premier League ee ay ciyaarayaan oo ah Tottenham laga dhigay badhtamaha January, iyagoo inta kalena nasasho ku qaadan doona.

Casemiro iyo Lisandro Martinez ayaa la filayaa in ay dib ugu soo laaban doonaan Manchester United muddada ay nasiimada ku jiraan, sidoo kalena waxa rajo weyn laga qabaa in Tyrell Malacia uu usoo laaban doono waqtigaas.

Saddexda ciyaartoy ee Christian Eriksen, Mason Mount iyo Amad Diallo ayaa iyagana la sheegay in toddobaadyada soo socda ay kusoo laaban doonaan kooxdooda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga