Bukayo Saka Oo Laga Saaray Waajibaadka Xulka England, Sabab.

Ciyaaryahanka Arsenal Bukayo Saka ayaa lagu qasbay inuu ka baxo xulka England ka dib markii uu dhaawac soo gaaray ka hor kulanka ay martida yihiin ee Finland.

Saka ayaa ku bilowday kulankii uu xulka England guuldarada kala kulmay xulka Greece kulan ka tirsanaa tartanka Nations Legaue.

Bukayo Saka ayaa ku dhaawacmay kulankaas waxana uu tababaraha xulka sheegay in ay ka war sugayaan baadhitaanka xiddiga.

Haatan Xulka England ayaa shaaciyay in aanu Saka ka qayb ahaan doonin kulanka ay booqan doonaan xulka Finland ee tartanka Nations Legaue.

Xiddiga Saka ayaa ku laaban doona kooxdiisa Arsenal si loola tacaalo xaaladiisa dhaawac ka hor bilaabashada kulamada kooxda.

Arsenal ayaa Sabtida dambe la ciyaari doonta kooxda Bournemouth ka hor inta ayna ciyaarin champions League oo ay booqan doonaan Shakhtar Donetsk.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga