
Bruno Fernandes ayaa ku adkeysanaya inuu doonayo inuu sii joogo Manchester United laakiin ma uusan meesha ka saarin rajada uu ka qabo inuu ka tago Old Trafford haddii ay kooxdu rabto inay sameyso xoogaa lacag ah.
Kooxda Ruben Amorim ayaa seegtay fursad ay ku soo gabagabeyn lahayd xilli ciyaareed xun oo ay koob ku qaadi lahayd kadib markii ay 1/0 kaga badiyeen Man United Final-kii Europa League.
Natiijadan ayaa la macno ah in Man United ay gabi ahaanba waayi doonto kubbada cagta Yurub xilli ciyaareedka soo socda, halka ay xilli ciyaareedkan ku dhamaysan doonto kaalinta ugu hoosaysa abid ee Premier League.
Fernandes ayaa dhanka kale xiiso xoogan ka helay kooxda Saudi Pro League ee Al-Hilal halka United ay lacag fiican ku heshay xiddiga 30 jirka ah si ay kooxda dib ugu dhisto.
Isagoo la hadlayay warbaahinta Portugal ka dib guuldaradii United ee Bilbao, Fernandes ayaa qirtay in mustaqbalkiisa fog uu ku sii jiro gacanta kooxda.
“Waan joogi doonaa halkan ilaa ay kooxdu ii sheegto inay tahay waqtigii aan bixi lahaa,” Fernandes ayaa yidhi.
“Waxaan diyaar u ahay inaan kooxda ka dhigo maalmo wanaagsan mar kale”.
“Maalinta ay kooxdu u maleyneyso in la gaadhay wakhtigii aan bixi lahaa waan bixi doonaa”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment