Bilow Cusub? Xiddi U Ciyaara Arsenal Oo Qarka U Saaran In Uu Ka Tago Kooxda.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Albert Sambi Lokonga ayaa ku dhaw in uu ka tago kooxda Arsenal sida ay sheegayaan wararku.

Markii xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium ku biiray Arsenal sanadkii 2021 waxa la filayay in uu noqdo xiddig joogto ugu ciyaara kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, kaliya 26 ayaa ku soo bilowday halka uu sidoo kale 13 kale badal ku soo galay isaga oo ku dhibaatooday in uu soo bandhigo qaab ciyaareed cajiib ah.

18-kii bilood ee ku xigay, 24-sano-jirku waxa uu ku soo bilowday 22 kulan halka uu 4 kale badal ku soo galay isaa oo u ciyaaraya kooxda Crystal Palace iyo Luton Town.

Sida laga soo xigtay Shabakada reer Spain ee Penalty, Sevilla waxay heshiis la gaartay Lokonga si ay u hesho xiddiga suuqa xagaagan.

Si kasta ha ahaatee kooxaha Sevilla iyo Arsenal ayaan wali wax heshiis ah ka gaadhayn lacagta xiddiga reer Belguim.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga