Kooxda Real Madrid ayaa macsalaameysay tartanka UEFA Champions League kadib markii ay guuldarro 4-3 kala kulmeen Bayern Munich lugtii labaad ee wareega siddeed dhammaadka, kulan ka dhacay Allianz Arena, iyadoo la xusuusto in lugtii hore ay Bayern ku badisay 2-1.
Real Madrid ayaa hoggaanka qabatay wax ka yar hal daqiiqo markii ciyaartu bilaabatay, waxaana gool dhaliyay Arda Güler kadib qalad baas oo uu sameeyay Manuel Neuer, isaga oo kubad ka toogtay bannaanka diilinta ganaaxa kuna hubsaday shabaqa.
Daqiiqadii 6aad, Bayern Munich ayaa barbareysay ciyaarta, waxaana goolka u dhaliyay Alexander Pavlovic kadib koornar uu soo tuuray Joshua Kimmich, Pavlovic-na madaxa ayuu ku dhaliyay.
Real Madrid ayaa markale hoggaanka qabatay daqiiqadii 29aad, markaas oo Arda Güler uu dhaliyay gool laad xor ah (free kick).
Daqiiqadii 38aad, Harry Kane ayaa u barbareeyay Bayern Munich kadib baas qurux badan oo uu siiyay Dayot Upamecano.
Daqiiqadii 42aad, Real Madrid ayaa dhalisay goolkoodii saddexaad, waxaana dhaliyay Kylian Mbappé kadib kubad uu ka helay Vinícius Júnior, isagoo kubadda dhex mariyay lugaha Neuer.
Real Madrid ayaa ku ciyaartay 10 ciyaaryahan kadib markii Eduardo Camavinga loo taagay kaarka cas daqiiqadii 86aad.
Daqiiqadii 88aad, Bayern Munich ayaa mar kale barbareysay ciyaarta, waxaana gool qurux badan ka dhaliyay Luis Díaz isagoo kubad ka toogtay bannaanka diilinta ganaaxa.
Ugu dambeyn, daqiiqadii 90+4, Michael Olise ayaa dhaliyay goolka afaraad ee Bayern Munich, isagoo si cajiib ah u toogtay kubadda, taas oo keentay in Real Madrid laga saaro tartanka.
Dhinaca kale Arsenal ayaa bar-baro la gashay Sporting Lisbon waxana ay sidaas isaga Xaadiriyeen Semi Final Champions League .
Be the first to comment