Bayern Munich Oo Doonaysa In Ay Tuchel Ku Badasho Tababare Ku Fashilmay Man United.

Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso tababarihii hore ee Manchester United Ole Gunnar Solskjaer si uu u noqdo badalka Thomas Tuchel.

Macalinka reer Germany ee Tuchel ayaa cadaadis xoogan kala kulmaya kooxda Bavarian ka dib markii laga badiyay seddex kulan oo xiriir ah oo ay la ciyaareen Bayer Leverkusen, Lazio iyo Bochum.

Hadda, waxaa la soo wariyay in Bayern ay u weecan karto Solskjaer oo ah musharrax waqti gaaban ah.

Sida laga soo xigtay Sky Germany, Bayern Munich ayaa isha ku haysa in ay si ku meel gaadh ah ula soo wareegto tababaraha.

Solskjaer ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo markii laga ceyriyay United 2021.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga