Badalka Erik Ten Hag Oo Albaabka U Furay In Uu Ku Biiro Kooxda

Tababaraha kooxda Bayern Munich Thomas Tuchel ayaa lagu soo waramayaa inuu go’aansaday inuu dib ugu laabto horyaalka Premier League xagaagan, taasoo heegan galisay kooxda Man United.

Tuchel ayaa awoodi waayay in uu Bayern ku hogaamiyo horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan, iyadoo Bayer Leverkusen ku guulaystay horyaalka.

Tuchel ayaa fursad u haystaa in uu Bayern Munich ku hogaamiyo ku guulaysiga champion league iyaga Oo Bar-baro 2/2 la la galay Real Madrid lugtii hore ee Semi-final ka champion league.

Ka tagista Tuchel ee Allianz Arena ayaa mar hore la xaqiijiyay, tababaraha Jarmalka ayaa bixi doona dhamaadka xilli ciyaareedkan xitaa hadii uu kooxda kula guulaysto champion league.

Sida laga soo xigtay The Mirror, Tuchel waxaa ka go’an inuu ku laabto England xagaagan, Man United ayaana doonaysa in ay la Soo saxiixato tababaraha si ay ugu badasho Erik Ten Hag.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga