Arsenal Oo Wadahadalo Kula Jirta Kooxda PSG Iyo Xiddiga Ay Ka Doonayaan.

Kooxda Arsenal ayaa bilowday wadahadalo ay kula jirto kooxda PSG sida ay sheegayaan wararku.

Gunners ayaa doonaysa in ay xoojiso kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sida laga soo xigtay Duncan Castles, Arsenal ayaa wadahadalo la furtay kooxda PSG si ay u hesho saxiixa xiddiga Fabián Ruiz.

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay Fabián Ruiz ku xoojiso khadka dhexe suuqa kala iibsiga xagaaga.

Arsenal ayaa Ruiz u aragta xiddig door weyn ka ciyaari kara qaab ciyaareedka kooxda xilli ciyaareedka soo socda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga