Man City Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaadhay Bournemouth

Manchester City ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay Bournemouth kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku bilaabatay cadaadis ay Man City saartay kooxda Bournemouth iyaga oo doonayay in ay guul gaadhaan.

Daqiiqadii 25-aad ee qaybtii hore ee ciyaarta ayay Manchester City ku guulaysatay in ay la timaado goolka furitaanka waxaana u saxiixay Phil Foden kaas oo shabaqa dhex-dhigay Kubad uu Haaland ku laaday goolka.

Xiddiga Bernardo Silva ayaa isna isku dayay in uu goolka labaad udhaliyo isla markaana uu darbo kale oo birta midig ah dhaafiyay.

Qeybtii labaad ee ciyaarta daqiiqadihii hore ma aysan arkin wax khatar ah oo labada dhinac ah, Guardiola ayaana isbedel ku sameeyay shaxdiisa isaga oo soo galiyay Doku kuna badalay Matthews Nunez.

Manchester City ayaa ahayd kooxda ugu halista badan inkasta oo ay soo tooseen ciyaartoyda Bournemouth daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta iyaga oo helay fursado badan.

Natiijadan ayaa keentay in dhibcaha Manchester City ay soo fadhiistaan ​​59 dhibcood iyagoo ku jira kaalinta labaad, iyadoo Liverpool oo kaalinta koowaad ku jirta ay hal dhibic ka hoosayso

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga