Sababta Paris Saint-Germain Ay Magacyada Ciyaartoydeeda Ugu Qorayso Luuqadda Korean Oo La Shaaciyey

Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa xidhan doonta lambarro ku qoran luuqadda waddanak Korea kulanka Axadda ee horyaalka waddanka Faransiiska Ligue 1 ee ay martida u noqonayaan Le Havre, taas oo ay ku adkaan doonto taageereyaasha iyo wariyeyaasha in ay akhriyi karaan magacyada dhabarka kaga qoran garamada ciyaartoyda.

Paris Saint-Germain oo barbarro 1-1 ah lasoo gashay Newcastle United Salaasadii, ayaa waxa ay safar ugu tegi doontaa Le Havre, iyadoo raadinaysa guul ka caawisa in ay sii dheeraystaan horyaalka Ligue 1 oo ay hadda hal dhibic kaga hayaan Nice oo kaalinta labaad ku jirta.

Muuqaal ay PSG ku baahisay baraheeda bulshada, ayaa waxa ay ku sheegtay, in usbuucan ay ciyaartoydeedu ku dheeli doonaan garamo magacyadooda lagu qorayo luuqadda Korean-ka, waxaana garamada oo lasoo bandhiay ka muuqda No.7 oo uu xidho Kylian Mbappe oo la akhriyi kari la’yahay waxa ku qoran, maadaama Korea ay ka mid tahay waddamada aan luuqaddooda dad badan oo kale aanay garanayn.

Kang-In Lee oo u dhashay waddanka Koonfur Korea oo PSG ay la saxeexatay xagaagii ayaa warkani uu farxad u yahay maadaama luuqadda waddanka uu u dhashay lagu qorayo, laakiin war-saxaafadeed ay soo saartay Paris Saint-Germain ayaa waxa ay ku sheegtay, in si ay u dhiirigeliso taageereyaasha aadka usoo badanaya ee ay ku leedahay Korea, in ay u beddelayso luuqadda usbuucan lagu qorayo garamada ciyaartoydeeda.

Tan iyo markii uu bilowday xilli-ciyaareedkan socda, Korea ayaa noqotay suuqa labaad ee ugu weyn ee PSG, waxaana dadka ugu badan ay kaga soo xidhmeen magaalada Seoul oo dadka ku nool ay badankoodu ku taxmeen baraha bulshada ee Paris Saint-Germain.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga