Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa Real Madrid iyada oo lala xidhiidhinayo kooxda AS Roma.
Kooxda AS Roma ayaa lala xidhiidhinayaa Carlo Ancelotti iyaga oo doonaya in ay ka dhigtaan tababarohooda cusub.
““ Shaqada kooxda AS Roma? Aad ayaan ugu faraxsanahay Real Madrid. Waxaan rabaa inaan halkaan sii joogo inta suurtogalka ah”.
“Heshiiskayga? Weligaa ma ogaan kartid inta aad joogaysid koox gaar ah qandaraasyada waa la jebin karaa laakiin sidoo kale waa la kordhin karaa!”, ayuu u sheegay Radio Anch’io Lo Sport.
Ancelotti ayaa kooxda Real Madrid kula jira heshiis gaba-gabo ah walina wax heshiis cusub ah uma saxiixiin.
Be the first to comment