Klopp oo weerar ku qaaday warbaahinta jarmalka kadib markii la sii daayay liiska xulka

Tababaraha xulka qaranka Jarmalka, Jürgen Klopp, ayaa si adag uga hadlay warbaahinta dalkaas, kadib markii faahfaahin ku saabsan liiskiisii ugu horreeyay ee xulka loo sii daayay kahor inta aan si rasmi ah loo shaacin, Klopp ayaa xulka Jarmalka u diyaarinaya kulamada soo socda ee UEFA Nations League, iyadoo Jarmalku uu la ciyaari doono Netherlands 24-ka Sebtembar, Greece 27-ka Sebtembar, Serbia 1-da Oktoobar, halka Greece mar kale lala kulmi doono 4-ta Oktoobar.

Tababaraha ayaa sidoo kale ku baaqay in shacabka Jarmalku muujiyaan waddaniyad wanaagsan, isaga oo doonaya in calanka Jarmalka si wanaagsan loo isticmaalo, iyadoo aan arrintaas lagu xiriirin waxyaabo siyaasadeed ama aragtiyo xagjirnimo:- “Waxaan jeclaan lahaa inaan mar kale calanka Jarmalka soo bandhigno, iyadoo aysan dadku is weydiin waxa arrintaasi ka dhigan tahay.”

Klopp ayaa intaas ku daray inuu doonayo in dadka Jarmalku ay ku farxaan dalkooda, isaga oo sheegay inuusan doonayn in waddaniyadda loo daayo dadka uu sheegay inay si khaldan u adeegsan karaan, Dhanka kale, Klopp ayaa si cad u dhaliilay warbaahinta Jarmalka, kaddib markii ay si horudhac ah u faafiyeen xogta ku saabsan liiska xulka ka hor waqtigii rasmiga ahaa ee lagu dhawaaqayay.

Wuxuu sheegay inuusan dhib ka qabin in warku hore u soo baxo, balse uu u arko arrin laga xumaado in dadku dhaqaale ka sameystaan faafinta xog aan weli la gaarin waqtigii si rasmi ah loo shaacin lahaa, Klopp ayaa yiri:- “Ma daneynayo in warku hore u faafay, arrintaas wax dhibaato ah iguma hayso, Laakiin waxaan u arkaa wax laga xumaado in qof uu noloshiisa ka sameysto isagoo dadka u sheegaya waxyaabo ka hor inta aan la gaarin waqtigii ay ahayd inay ogaadaan” , Hadalladan ayaa yimid xilli Klopp uu bilaabay shaqadiisa cusub ee hoggaaminta xulka Jarmalka, iyadoo indhaha lagu hayo sida uu kooxda ugu diyaarin doono kulamada Nations League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga