Agaasimaha ciyaaraha ee Barcelona, Deco, ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo muhiim u ah kooxda, kuwaas oo ay ka mid yihiin mustaqbalka Raphinha iyo fursadda Lamine Yamal uu ugu guuleysan karo abaalmarinta Ballon d’Or 2026.
Barcelona ayaa xilli ciyaareedka 2026/27 si wanaagsan ku bilaabatay, iyadoo shantii kulan ee ugu horreeyay dhammaantood guulo ka gaartay, Deco ayaa sidoo kale si weyn u amaanay Raphinha, isagoo sheegay in kabtannimada Barcelona ay tahay sharaf uu si buuxda ugu qalmo.
Wuxuu sheegay in Raphinha uu si tartiib tartiib ah uga dhistay booskiisa gudaha qolka labiska iyo kooxda, isla markaana uusan qof si fudud uga tagin Barcelona marka uu dareemayo farxad iyo muhiimad, Deco ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Barcelona ay doonayso inay Raphinha sii haysato ugu yaraan hal sano oo dheeraad ah, iyadoo wada-hadallo ku saabsan qandaraaskiisa cusub la filayo.
Markii laga hadlay abaalmarinta Ballon d’Or 2026, Deco wuxuu si cad u sheegay inuu aaminsan yahay in Lamine Yamal uu yahay musharraxa ugu cad-cad, Deco ayaa ku dooday in Lamine uu sameeyay waxqabad weyn oo uu xilli ciyaareedkii hore ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan Barcelona iyo xulka Spain.
Wuxuu sidoo kale xusay in Lamine uu ka qeyb galay Koobka Adduunka isagoo dhaawac qaba, taasoo uu ku tilmaamay mid muujinaysa muhiimada uu u leeyahay kooxdiisa iyo xulkiisa, Deco wuxuu sheegay in haddii Lamine uu ku guuleysto Ballon d’Or, uusan wax shaki ah ka qabin inuu u qalmo abaalmarinta.
Deco ayaa sidoo kale la weydiiyay haddii ciyaartoy kale ay ku guuleysan kari lahaayeen Ballon d’Or sannadihii uu Lionel Messi hantay, Wuxuu sheegay in ciyaartoy kale laga yaabo inay fursad lahaayeen, balse Messi uu ahaa ciyaaryahankii ugu fiicnaa xilliyadaas.
Deco ayaa sidoo kale amaanay da’yarka reer Spain ee Pau Cubarsí, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay “Lamine Yamal-ka difaaca”. Agaasimaha Barcelona ayaa sheegay in Cubarsí uu horumar weyn sameeyay, uu bislaaday, isla markaana noqday hoggaamiye da’yar oo kooxda muhiim u ah.
Ugu dambeyn, Deco wuxuu si adag uga hadlay maqnaanshaha Raphinha iyo Pedri ee liiska musharraxiinta Ballon d’Or, Wuxuu arrinta ku tilmaamay “fadeexad caalami ah”, isaga oo sheegay inuusan fahmin shuruudaha lagu xusho liisaska abaalmarinnada shaqsiga ah.
Deco wuxuu ku dooday in kubbadu tahay ciyaar kooxeed, taasoo mararka qaar ka dhigaysa in tayada ciyaartoyda shaqsiga ah si cadaalad ah loo qiimeeyo ay adkaato, Wuxuu si gaar ah u sheegay in maqnaanshaha Pedri, iyadoo la eegayo tayada iyo awoodda uu leeyahay, ay tahay arrin uusan fahmi karin.
Be the first to comment