Wararka suuqa kala iibsiga ayaa mar kale dib u soo nooleeyay xiisaha Manchester United ay u qabto weeraryahanka Bayern Munich iyo xulka England, Harry Kane, iyadoo halyeeygii hore ee kooxda, Dion Dublin, uu ku booriyay United inay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer England.
Manchester United ayaa xilligan ku tiirsan weeraryahanka reer Slovenia ee Benjamin Sesko, laakiin Dion Dublin ayaa walaac ka muujiyay wax-soo-saarkiisa, isaga oo aaminsan in kooxda ay weli ka maqan tahay weeraryahan dhexe oo awood u leh inuu xilli ciyaareed kasta dhaliyo 25 ilaa 30 gool.
Sesko ayaa ilaa hadda Manchester United u saftay 35 kulan tartamada oo dhan, waxaana uu dhaliyay 13 gool, isaga oo sameeyay hal caawin, Dublin ayaa sheegay in United ay leedahay ciyaartoy badan oo goolal keeni kara, sida Matheus Cunha, Bruno Fernandes, Marcus Rashford iyo Bryan Mbeumo, balse uu aaminsan yahay in kooxda ay u baahan tahay “number nine” gool-dhaliye ah oo noqda bartilmaameedka ugu weyn ee weerarka.
Dublin ayaa si gaar ah u magacaabay Harry Kane, isaga oo sheegay in 33-jirkan uu weli yahay weeraryahan dhammeystiran oo ku habboon Manchester United, Sida uu Dublin sheegay, Kane ma ahan ciyaaryahan ku tiirsan xawaare, balse wuxuu leeyahay khibrad, faham ciyaareed, awood uu kubadda ku ilaashado iyo aqoon weyn oo ku saabsan Premier League.
Waxaa sidoo kale la sheegay in Sir Jim Ratcliffe, oo ka tirsan milkiilayaasha Manchester United, uu muddo dheer aad u doonayay inuu Kane keeno Old Trafford, United ayaa horey loogu soo warramay inay diyaar u tahay inay tixgeliso heshiis ay ku heli karto Kane, kaasoo qandaraaskiisa Bayern Munich uu ku egyahay dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Si kastaba ha ahaatee, rajada Manchester United ayaa wajahaysa caqabad weyn, Wararka laga helayo Bayern Munich ayaa sheegaya in Harry Kane uu doonayo inuu sii joogo kooxda Jarmalka, halka Bayern ay diyaar u tahay inay u soo bandhigto qandaraas cusub oo saddex sano ah.
Ilaha xogta laga helayo ayaa sidoo kale sheegaya in Bayern ay kalsooni ku qabto in Kane uu heshiiska cusub saxiixi doono, Warbaahinta Jarmalka ayaa xitaa soo warisay in Bayern Munich ay qorsheyneyso inay ku dhawaaqdo heshiiska cusub bisha soo socota.
Sidoo kale, wariyaha Bild ee Christian Falk ayaa sheegay in gudaha Bayern Munich ay ka jirto kalsooni ah in wadaxaajoodyada Kane ay si wanaagsan ku dhammaan doonaan, isla markaana heshiiska cusub lagu dhawaaqi karo inta lagu jiro sanadkan 2026, Haddii Kane uu saxiixo qandaraaska cusub, waxaa la filayaa inuu muddo dheer ka maqnaado suuqa kala iibsiga, taasoo Manchester United ka dhigi karta mid ku adkaata inay hesho weeraryahanka ay muddo dheer xiisaynaysay.
Be the first to comment