Saxiixa Cusub ee Liverpool oo durba duulaan qaawan lagu qaaday & lagu dhaliilay bandhigiisii xalay

Xiddiga cusub ee Liverpool, Bradley Barcola, ayaa dhaleeceyn kala kulmay khabiirka Sky Sports Tim Sherwood, kaddib bandhiggiisii kulankii Champions League ee Atlético Madrid, Barcola ayaa kulankiisii ugu horreeyay ee uu si rasmi ah u soo bilaabo u ciyaaray Liverpool tan iyo markii uu xagaagan kaga soo biiray Paris Saint-Germain heshiis gaaraya £123 milyan.

Tababare Andoni Iraola ayaa Barcola u diray garabka midig, halka Florian Wirtz uu ka ciyaarayay booska No.10, Alexander Isak-na uu ahaa weeraryahanka dhexe. Rio Ngumoha ayaa ka ciyaarayay garabka bidix, iyadoo Cody Gakpo uu dhaawac ku maqnaa.

Barcola ayaa kulanka sameeyay 3 isku day oo gool ah, labo ka mid ahna waxay ku dhaceen bartilmaameedka, balse wuxuu ku fashilmay inuu fursadihiisa u beddelo goolal, Tim Sherwood oo kulanka u falanqeynayay Sky Sports ayaa sheegay in Barcola uu ahaa khatar marka uu kubadda la’aan yahay, balse uu si weyn uga liitay dhanka dhammaystirka fursadaha.

Sherwood wuxuu tilmaamay in Barcola uu helay fursado dhowr ah oo uu si toos ah ula wajahay goolhaye Jan Oblak, laakiin uusan awoodin inuu si fiican u dhammeeyo, Wuxuu sidoo kale sheegay in Barcola uusan ahayn ciyaaryahan leh dhammaystir heer sare ah, isagoo xusay inuu lumiyay fursado sahlan.

Si kastaba, Sherwood wuxuu amaanay hal dhinac oo muhiim ah oo ciyaaryahanka Faransiiska ah leeyahay: dhaqdhaqaaqiisa aan kubadda lahayn, Wuxuu sheegay in Barcola uu si wanaagsan u kala bixiyo difaacyada, uu sameeyo orod joogto ah, isla markaana uusan qasab ka dhigin inuu kubadda haysto si uu khatar u abuuro.

Barcola ayaa inta badan doorbida inuu ka ciyaaro garabka bidix, laakiin maadaama Cody Gakpo uu si wanaagsan ku bilaabay xilli ciyaareedka, waxaa la filayaa in Gakpo uu sii wato booskaas marka uu dhaawaca kasoo laabto, Taasi waxay ka dhigan tahay in Barcola loo badan yahay inuu ka ciyaaro garabka midig, booskii muddo dheer uu Liverpool ku lahaa Mohamed Salah.

Andy Gray oo isna ka hadlay talkSPORT ayaa sheegay in Barcola ay adag tahay in kursiga keydka lagu reebo maadaama Liverpool ay ku bixisay lacag ka badan £100 milyan, Gray wuxuu sidoo kale aaminsan yahay in haddii saddexda weeraryahan ay caafimaad qabaan, Gakpo uu hadda ka horreyn doono Rio Ngumoha, halka Barcola uu boos ka heli doono safka hore.

Si kastaba, su’aasha weyn ayaa ah: Barcola ma awoodi doonaa inuu Liverpool uga dhaliyo goolasha uu Mohamed Salah sannado badan ka dhalin jiray garabka midig?

Bandhiggiisii ugu horreeyay ee uu booskaas ka ciyaaro ayaa muujiyay inuu leeyahay orod, dhaqdhaqaaq iyo awood uu difaacyada ku kala bixiyo, laakiin dhammaystirka fursadaha ayaa weli ah meel uu u baahan yahay inuu horumar weyn ka sameeyo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga